Dhageyso Wasiirkii Hore Arimaha Dibada Soomaaliya Dr C/raxmaan Bayle Oo Ka Hadlay Soomaalida Laga Soo Celinayo Qaarada Yurub

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, hadana ka mid noqday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee la sheegay in laga soo celinaayo dalalka Qaarada Yurub.

Dr Bayle ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee gaaray Yurub ay mareen dhibaatooyin  aad u farabadan , islamarkaana sharciga Caalamiga ah uusan qabin in lasoo celiyo, waxa uu sheegay in dadkaasi hadii lasoo celinaayo in ay muhiim tahay in ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin Qaramada Midoobey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran