Fanaan Caan Ah Oo Looga Guuleystay Doorasho Ka Socota Magaalada Muqdisho

Fanaanka lagu magacaabo Farxaan Xidig oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxa looga guuleystay doorasho ka socota magaalada Muqdisho.

Doorashada aqalka hoose ee Beelaha Waqooyi oo dib uga bilaatay Muqdisho ayaa Fanaanka wuxuu isu soo taagay ka mid noqoshada xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka cusub, isagoo looga guuleystay codad gaaraya ilaa 45 cod.

Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ayaa tartan ay wada galeen Fanaanka, waxa uu helay ilaa 45 cod halka fanaanka uu helay ilaa 6, iyadoo laga guuleystay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open