Magaalooyinka Cadaado Iyo Jowhar Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeenayo Doorashada Aqalka Hoose

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar oo xarumo u ah Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle lagu soo gabagabeeyo Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Maamulka Hirshabelle oo laga sugaayeyyey in uu soo doorto xildhibaano gaaraya ilaa 38 mudane ayaa ilaa iminka waxa Magaalada Jowhar lagu doortay 36, xildhibaan, waxaana u harsan laba mudane oo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo.

Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa tirada xildhibaan ee laga doonayey ay gaarayeen ilaa 36, Mudane oo uga mid noqonayo xildhibaanada Baarlamaanka aqalka hoose, waxaana ilaa hada Cadaado lagu doortay ilaa 34 xildhibaan, labada xubin ee ku harsan doorashada ayaa la sheegay in maanta lasoo gabagabeenayo

Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa hore ugu guuleystay dhamaystirka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee dalka Soomaaliya, Doorashada Madaxweyne ee dalka ayaa waxa ay qabsoomi doontaa 28, ka bishan Dicember sida ay go’aamiyeen Madaxda Madasha Qaran.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran