Qarax Loo Adeegsaday Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Qarax Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday Gaari waxlaha qarxa laga soo xirey ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee ka imaanaya Qaraxa ayaa sheegaya in Gaariga qarxay ay joojiyeen Ciidamo ka tirsamn kuwa Nisa oo Baaritaan ka waday halka lagu magacaabo Siinka dhee oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Inta laga war helay qaraxa ayaa waxa ku geeriyooday laba skari halka dhaawaca uu intaa ka badanyahay, iyadoo xilliga qaraxu dhacayey la sheegay in koontaroolka uu ka socday howlo baaris ah oo lagu baarayey gaadiidka sii galaya Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nisa ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax Gaari oo la doonayey in lagu galaafto Nolosha dad badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran