Dhageyso Musharax Tarsan “Wixii Ka Dhacay Magaalada Jowhar Laguma Tilmaami Karo Doorasho”

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tasan oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxtinimo ee dalka ayaa kasoo horjeestay doorashadii aqalka hoose ee ka dhacday ee magaalada Jowhar.

Tarsan ayaa sheegay in doorasho aan lagu tilmaami karin wixii ka dhacay Jowhar, isagoo meesha ka saaray in cadaalad lagu soo doortay inta badan Mudanayaasha aqalka hoose ee ka yimid Maamulka Hirshabelle.

“wax doorasho lagu tilmaami karo maahan ama u eg maahan, waxaana waa boob cad oo burcadnima ah waaye, wax aan sharci dhowreyn nidaam dhowrney oo aan balan dhowreyn oo wixii maanta ay dhahaan beri Beeninaya, iyagii iyo gudigii ay sameysteen ficilkoodii iyo waxa ay afka ka sheegayaan ayaa is khilaafsan, sifahaasna waxa iska leh Munaafaqiinta” ayuu yiri Tarsan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran