Jaaliyadda Sacuudiga Oo Warsaxaafadeed Soo Saaray Kuna Baaqay In Loo Midoobo Dagaalada Dhul Boobka Ah Ee Shabeelada Hoose (Video)

Kulan casha sharaf ah oo ay ka qeyb galeeen qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Beesha Biimaal ee Sacuudiga ayaa waxay kasoo saareen Warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladaha Gobolka Shabeelada hoose.

Madasha oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin kala duwan sida Maamulka Jaaliyada, Dhalinyarada iyo Ururada Haweenka ayaa dhamaan taageeray Warsaxaafadeedka, waxaana dhanka kale ay kasoo horjeesteen duullanada dhul ballaarsiga ah ee ka socda Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale kulanka ayaa hambalyo iyo bogaadin waxa loogu direy Ciidamada Geesiyaasha ah ee u dhabar adeegay inay is hortaagaan duulanada marba shaarka cusub loo gelinayo oo maanta uu joogo in garab iyo Ehel laga dhigto kooxo Burcad Diimeed ah.

Mas’uuliyiinta Madasha ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Prof Xasan Sheekh Cusmaan Gasbe iyo Ururada Haweenka kuwaas oo hadalo kulul siiyey qab qablayaal marin habaabsan oo shirar ku qabta Magaalada Muqdisho kuwaas oo calaacalkooda uu tira beelay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran