Khasaaraha Weerarkii Ismaadiin Ee Degedda Muqdisho Oo Sii Kordhay Iyo Muuqaal Naxdin Leh Oo Laga Soo Qaaday Goobta (Video)

Qarax xooggan oo ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday afaafka dekedda magaalada Muqdisho, Waxaana Qaraxa la sheegay inay ku dhinteen dad gaaraya 30-Qof.

Baabuurka ayaa la qarxiyey xilli saxmad ah oo shaqaalaha dekedda sii galayeen, waxana la sheegay in baabuurka lagu qarxiyey xafiiska Laanta canshuur qaadista, Qaraxa ayaa dhacay todobada aroornimo.

Dekedda Muqdishu waxa maamula shirkadda Al-Bayrak oo laga leeyahay Turkiga oo qandaraas kula jirta dawladda Soomaaliya, Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka waxayna sheegteen inay ku dileen 30 qof.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran