Ku Dhawaad Soddon Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Gilgilay Magaalada Istanbuul Ee Dalka Turkiga (Sawiro)

Qaraxyo xoogan ayaa xalay ka dhacay bartamaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana qaraxyadan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 29-qof oo u badnaa ciidamo katirsan booliiska dalka Turkiga ayaa ku dhintay labo qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Istanbuul, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 160-qof oo kale.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Istanbuul oo ahaa labo qarax ayaa kan hore waxaa lala eegtay gaari bas ah ay saarnaayeen Ciidamo booliiska ka hortaga rabshadaha, waxa ayna xiligaas ku sugnaayeen banaanka hore garoon kubada cagta lagu ciyaaro.

Waxaa daqiiqado kadib qarax labaad oo ismiidaamin ah uu ka dhacay banaanka garoon baabuurta la dhigto, waxaana qaraxaasi kadib sidoo kale la maqlay rasaas xoogan oo aan la ogeyn cida xiligaasi rideysay.

Dowlada Turkiga ayaa si xoogan u cambaareesay qaraxyadan dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaana howlgalo ay ciidamada booliiska ka sameeyeen Istanbuul lagu soo qabtay 10-qof oo la tuhmayo sida uu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran