Maamulada Galmudug Iyo Koonfur galbeed Oo Xaflado Sagootin Ah U Qabtay Xildhibaanada Lagu Doortay Deeganada Labadaasi Maamul (Sawiro)

Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya oo soo gabagabeeyey doorashooyinka aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaflado sagootin ah u qabtay xildhibaanada cusub.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa xalay magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo waxay xaflado sagootin ah u qabteen xildhibaanada dhawaan doorashooyinka loosoo gabagabeeyey.

Xafdladaha oo ay ka qeyb galeen Madaxda labadaasi maamul ayaa waxa lagula dardaarmay adkeynta balamada iyo wadashaqeynta xildhibaanada isku magaalada lagu soo doortay.

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa xildhibaanada gaaraya 69-ka mudane waxa qudbad dardaaran ah u jeeiyey madaxdaweynaha K/galbeed oo musharax macaash ku raadin ah shaaciyey inuu ugu taaganyahay qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Dhinaca kale doorasho muran badan oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa xildhibaanada waxa qudabado u jeediyey Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Maamul Goboleedyada ka jira dalka qaarkood ayaa soo gabagabeeyey doorashooyinka xubnaha qalka hoose, waxaana weli doorasho ay ku harsantahay maamulka Puntland oo maanta dib u bilaabay doorashada.

Bartamaha bishan ayaa waxa lagu wadaa in xildhibaanada la doortay lagu dhaariyo magaalada Muqdisho, iyadoo dhamaadka bishan lasoo gabagabeyn doono doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Hoos Ka Daawo Sawirada Xaflada Sagootinta Ah Ee Lagu Qabtay Magaalada Baydhaba

  

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE