Wararki Ugu Dambeeyey Qarax Ismiidaamin Oo Saake Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Gaari lagu soo xirey waxyaabaha qarxa oo uu waday Ruux Naftii halliga ah ayaa saake waxa lagu qarxiyey afaafka hore ee Degeda magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday sida wararki shhegayaan Gaari weyn ayaa lagu dhuftay derbiga Degedda Muqdisho gaar ahaan xafiiska laanta Canshuuraha Degedda oo xilligaas ahaa goob aad u mashquul badan.

Goobta lala eegtay qaraxa ayaa waxa ku yiillay Maqaaxi ay ku shaahaan dadka muruq maalatada ah iyo dad kale oo shacab ah kuwaas oo saake waxyeello xoogan ay kasoo gaartay qarax Baabuur ee ka dhacay agagaarka Degeda.

In ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay qarax halka dhaawacu uu intaas ka badanyahay, waxaana jira bur bur xoogan oo qaraxa gaarsiiyey Goobaha Ganacsiga iyo Geedaha halkaasi ku yiilay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE