Gudoomiyaha Magaalada Jakarta Ee Dalka Indonesia Oo La Maxkamadeynayo Kadib Markii Uu Aflagaadeeyey Diinta Islaamka

Magaalada Jakarta ee caasimadda dalka Indonesia waxaa ka bilaabatay maxkamadeynta gudoomiyaha magaalada Jakarta Basuki Tjahaja Purnama oo lagu soo eedeeyey inuu ku xad-gudbay diinta Islaamka.

Maxkamadeynta guddoomiye Basuki Tjahaja Purnama ayaa saaka bilaabmata iyadoo lagu eedeeyey inuu meel ka dhac u geystay Qur’anka kariimka, xili uu u tartamayey qabashada xilka guddoomiyenimo ee magaalada Jakarta.

Basuki Tjahaja Purnama ayaa ah guddoomiyihii ugu horeeyey ee Kiristaan ee qabta xilkan aadka u sareeya 50-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Tobanaan kun oo ruux ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Jakarta, kuwaasi oo dowladda Indonesia ka codsanayey in Purnama maxkamada loo soo taago aflagaadada uu u geystay Qur’anka kariimka ah.

Ugu yaraan Shan sanno oo xarig ah ayuu muteysanayaa haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyey.

Basuki Tjahaja Purnama ayaa handadaad iyo dhaleeceyn kala kulmay kadib markii uu soo qaatay aayado Qur’aan ah xiligii uu ololaha ku jiray.

Maxkamad ayaa go’aan ka gaari doontaa kiiskan, waxaana laga cabsi qabaa in arintan horseedo beegsi cusub oo loo geysanaayo dadka laga tirada badan yahay ee Kirishtaanka ah ee ku nool Indonesia.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open