Jubbaland Oo Xaflad Sagootin U Sameysay Xubnaha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federalka Ka Soo Galay Gobolada Jubbaland

Munaasabad lagu sagootinayey  xildhibaanada labada aqal ee dhawaan lasoo doortey ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Goobta ay xafladda ka dhacaysay oo ahayd meel cusub oo lagu indho daraandaro, islamarkaasina ka mid ah maalgashiga ganacsatada ku samaysay Jubbaland ayaa waxa ay ahayd hadal heynta ugu badan.

Xafladda Sagootinta waxaa kasoo qeybgalay, hadalana ka jeediyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xafladda ka hadlay ayaa waxa uu xildhibaanada kula dardaarmay Soomaalinimo iyo in ay fursad siiyaan hoggaanka la doorto illaa muddo hal sano ah.

Cabdiraxmaan Kulmiye (Cabdiraxmaan Dheere) oo ah guddoomiyaha xildhibaanada aqalka hoose ee Jubbaland iyo Jeneraal Fartaag oo ah guddoomiyaha aqalka sare ayaa boggaadiyey guddiga doorashada iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigey heeso, dhaantooyin, gabayo iyo madadaalo, iyada oo ay xafladda si toos ah oga socotay Jubaland TV.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE