Dhageyso Maamulaha Shirkadda Safaricom Oo Ka Warbixiyey Khasaarihii Kasoo Gaaray Weerar Lagu Qaaday Shirkadda

Shirkada Safaricom ee dalka Kenya ayaa sheegtay in khasaare fara badan uu ka soo gaaray weeraro ay Al-shabaab ku burburiyeen Xarumo ay Shirkadani ku lahayd deegaanada ku teedsan xuduudka ay wadaagaan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta  Safaricom Bob Collymore oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay mudooyinkii lasoo dhaafay burburiyeen ilaa 6 Xarumood oo ay lahayd Shirkada Safaricom,wuxuuna tilmaamay in khasaare lixaad leh uu kasoo gaaray weerarada Al-shabaab.

Bob Collymore ayaa sheegay in Anteenooyinka ay Al-shabaab burburiyeen uu midkiiba ku kacayo 250,000 Kun oo Doolar,wuxuuna intaa ku daray iney sidoo kale ka dhalatay Isgaarsiin la’aan soo wajahday dadka kunool deegaanada Xuduudka ku dhow.

Sababaha ay bartilmaameedka ugu noqdeen weerarada Al-shabaab ayuu sheegay iney tahay wada shaqayn ay la leeyihiin laamaha ammaanka oo uu tilmaamay iney ka gacan siiyaan Macluumaadka la xiriira  kooxaha Argagixisada ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE