Ganacsato Soomaaliyeed Oo Tacaddi Dil Iyo Dhaawac Isugu Jiro Loogu Geystay Dalka K/Afrika Iyo Mid Ka Mid Ah Tuugada Oo La Dilay (Sawiro)

Waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay weerar lagu dilay wiil Soomaali ah isla markaasina lagu gubay wiil kale oo isagana Soomaali ah.

Burcad Koonfur Afrikaan madow  iyo ajaanib isugu jirto ayaa dab qabadsiiyay 2 wiil oo ganacsato Soomaaliyeed ah iyadoo mid kamid ah wiilasha ganacsatada ah uu dhintay halka midka kalena uu la il-daran yahay dhaawacii ka soo gaaray weerarka.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo hubaysan iyo qaar kamid ah dadkii deegaanka oo  kaxun falka foosha xun ee dhacay ayaa ka daba baxay tuugadii dilka gaysatay waxaana halkaa lagu dilay 2 kamid ah tuugadii dilka gaysatay iyadoo kii sadaxaadna isagoo dhaawac ah boolisku kasoo gaadhay.

Xigasho: Dhanaan Media

Mid ka mid ah tuugadii la dilay
Wiilka ganacsadaha ahaa ee la dilay
Wiilka la gubay oo dhaawac ah
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran