Madaxweyne Xasan Culusow Ayaa Maanta Booqaday Safaaradda Imaaraatka Ee Muqdisho Xili Safiirka Uu Ka Qaxay Muqdisho

Iyadoo uu jiro kala shaki balaaran iyo khilaaf soo kala dhexgalay dawladda Imaaraadka Carabta iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ayuu madaxweynaha maanta booqdey safaaradda Imaaraadka, wuxuuna sheegey in aysan jirin waxyaabaha la sheegayo.

Safiirka Imaaraatka u fadhiyo Soomaaliya ayaa Muqdisho iskaga qaxay arimo amni dartood kadib markii dowladda Imaaraatka sheegtay inay taageersan tahay in xilka madaxtinimo ee Soomaaliya laga wareejiyo beesha Hawiye ee uu madaxweynaha ka dhashay.

Madaxweyne Xasan Culusow ayaa  safaaradda ugu tagay safiir ku xigeenka Xamad Rashiid Al Shabsa.

Arrinta ugu weyn ee ka caraysiisey madaxtooyada ayaa ah in Imaaraadka ay casuumeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyaga oo ka tahay madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaasina madaxdii ay casuumeen kula soo balamay in ay taageeraan Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashid.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE