Magaalada Xalab Ee Dalka Siiya Oo Burbur Xoogan Uu Kasoo Gaaray Dagaallo Afar Sano Qaatay (Sawiro)

Ciidamada dowlada Bishaar Alasad ayaa la wareegay in badan magaalada Xalab oo ay dagaalo xoogan ay kula galeen Maleeshiyaad Mucaarad ahaa.

Dagaal socday muddo afar sano ka dib ayaa dowlada waxa ay sheegtay in lasoo afjaray, ka dib markii Ciidamada kasoo horjeeday kuwa dowlada ay faarujiyeen dhufeysyada iyo aaggagii dagaalka.

Ciidamada Siiriya oo gacan ka helaya kuwo Shiica ah iyo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa dagaal khasaare badan Geystay la galay kooxaha mucaaradka, waxaana dagaalada ay geysteen burbur xoog leh oo soo gaaray magaalada Xalab.

Warbaahinta Caalamka ayaa sii baahiyey warar sheegaya in magaalada Xalab aanu ka jirin wax dagaal, waxaana ay sidoo kale sii baahiyeen Sawiro muujinaya in Ciidamada Bishaar dowladiisa taabacsan oo ku sugan xrumaha Maamulka iyo qaar ka mid difaacyadii adkaa ee mucaaradku ku jireen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran