Wadahadaladii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Khaatumo Oo La Qorsheeyey In Dib Uu U Furmo

Magaalada Adisababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxa lagu Wadaa inuu Todobaadkan dib uga fumo Wada hadalkii u dhexeeyay Maamulka Cali Khaliif Galleyr ee Khaatumo iyo Somaliland.

Sida lagu helay warbixinno hoose, waxaa Loo balansan yahay inay Furmaan Kulamadaasi, 17-ka Bisha, Iyadoona la sugayey inta uu ka dhamaanayo Shir Madaxeed ka socday dalkaasi Itoobiya, Sidoo kalana Labada dhinac ayaa ku Howlanaa Diyaarinta Gudiyada ka qayb gali doona Shirkaasi.

Waxana sidoo kale dhawaan Buuhoodle oo Madaxwaynaha Khaatumo uu ku sugan yahay ka Bixi doona xubnaha maamulka ee wada xaajoodka kuwasoo ku biiri doona wada hadalada, Sidoo kalana waxaa iyaguna Jira Ergooyin kale oo lagu Casuumay shirka.

Dhinaca kale Dawladda Ethiopia ayaaa diyaaarisay wada xajoodka waxana hoganka u haya wasarada arimaha dibadda ee dalkaas, taasoo saraakiil sar sare u magacawday sidii loo fududen laha wada hadal.

Si kastaba Arintaan ayaa waxay kusoo Beegmaysaa iyadoo Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr oo dhowaan ka hadlay Wadahadalkaasi uu Sheegay inay Howlo Farsamo u Hakadeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran