Dhageyso Gudiga Doorashada K/galbeed “Gudiga Xalinta Khilaafaadka, Go’aanka Ay Gaareen Ma’ahan Mid Anaga Na Quseeya”

Gudiga Doorashooyinka heer Maamul Goboleed ee K/Galbeed ayaa ka hor yimid go’aankii shalay kasoo baxay Gudiga Xalinta Khilaafaadka ee lagu baabi’iyey qaar kamid ah Kuraastii Aqalka Hoose.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka dadban Heer Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed Maxamed C/raxmaan Muursal ayaa ku eedeeyey Gudiga Xalinta Khilaafaadka ineysan u madax bannaaneen go’aanka kasoo baxay,wuxuuna xusay in Kuraas muran badan ka taagnaa la iska indha tiray isla markaane Kuraas uusan ka jirin wax muran ah la reebay.

Maxamed C/raxmaan Mursal ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed si gaara loo beesaday maadaama 5 Kursi oo ka mid ah 11 Kursi ee la baabi’iyey Doorashadooda ay ka tirsan yihiin Koonfur Galbeed,wuxuuna shaaca ka qaaday ineysan iyaga quseyn go’aanka Gudiga Xalinta isla markaane  uusan wax isbedel ah ku imaan doonin Doorashada Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed natiijadune ay sideeda sii ahaan doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open