Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo warar kala duwan ay kaso baxayaan ayaa waxa la sheegayaa in Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey in ku qarxay meel u dhow Dhismaha Hooyooyinka, gaar ahaa maqaayada The Village.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa ku waramaya in Gaariga marka hore uu ku rogmaday (gadoomay) goobta uu ku qarxay, waxaana kusoo xoomay dad kala duwan oo u badnaa Ciidan iyo Shacab wadada marayey, ka dibna waxa laga war helay qaraxa gaariga oo goobta dhan bedelay.

Sidoo kale dad goobta ku sugan ayaa sheegaya in Gaariga uu Eryanayey Gaari kale oo ay saarnaayeen Ciidan, Lama oga khasaaraha ka dhashay, iyadoo laguu soo waramayo in xilliga qaraxa uu dhacayey Wadada laamiga ay aad u mashquul badneyd.

Halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa wixii warar dheeraad ah oo aan ka helno qaraxa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE