Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti Oo Booqasho Ku Yimid Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland(Video)

Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland si diiran loogu soo dhaweeyey wafdi heersare ah oo uu horkacaayey wasiirkadda Arimaha Gudaha Jahmuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Burhan.

Waxaa ka mid ahaa wafdiga reer jabuuti ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha mas’uuliyiinta kala ah:  Taliyaha Ciidamada Booliiska Jabuuti  C/laahi Cabdi Faarax, Taliyaha Laanta Socdaalka Jabuuti C/qaadir Ibraahim Goona, madaxa la dagaalanka iyo ka hortagga Argagaxisada Cilmi Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE