Ciidamada Jubbaland Oo Alshabaab Ka Soo Dhiciyey Geel Tiro Badan Oo Shabaabka Ay Ka Dhaceen Beesha Cowrmale

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa shaaciyey inay gurmad u fidiyeen qoysas reer miyi ah oo shaley maleeshiyada Alshabaab ka kaxeysteen geel tiradiisa gaareyso 2 kun neef.

Dhammaan xoolaha la dhacay waxaa iska leh Cowrmale oo ka kid ah beelaha wax ka dego gobolada Jubbaland. Dhaca Alshabaab ay u geysanayaan beeshan ayaa yimid  kadib markii ay beesha ka hortimid xoolo aruursi Alshabaab muddo dheer ay ka wadeen deegaanadooda.

Deegaanada ay wax ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Kaamjiroon, miyiga Cabdalle Biroole iyo Feer-sagaaro oo dhammaantooda ku yaallo galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland ayaa ku baxay markii ay ka warheleen in kooxda Alshabaab dhac baahsan u geysteen dad xoolaley ah, waxaana ciidamada u suurta gashay inay soo celiyaan tiro badan oo xoolihii la dhacay ah.

Wararka laga helayo deegaanada dhaco miyiga galbeedka Kismaayo ayaa  sheegayaan in weli dagaalo culus ay ka socdaan dhulkaasi si loo soo celiyo geel badan oo weli ku harsan gacanta maleeshiyada hororka ah ee Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran