Qori Dooribiin Leh (Sniper Rifle) Oo Alshabaab Ku Soo Rakibatay Guriga Swisso Kalmo Ka Deganeyd Magaalada Marka Ayaa Maanta Toogashadii Ugu Horeysay Lagu Tijaabiyey

Maleeshiyada Alshabaab ee maamula qayb ka mid ah magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa inay magaalada keensadeen qori uu ku rakiban yahay Dooribiin(snipper) kaasoo loo adeegsado in lagu fuliyo toogashada lagu laayo dadka joogo meelaha fog fog.

Qoryaha noocaan ah oo Shabaabka ay horey ugu adeegsadeen meelo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo geliyey magaalada Marka, waxaana qoryahan lagu soo rakibay goobo uu ka mid yahay guriga hay’adda Swisso Kalmo (Magda) ka deganaan jirtay magaalada Marka.

Toogashadii ugu horeysay ee lagu fuliyey qorigaasi dooribiinka leh ayey Shabaabka maanta ku tijaabiyeen iny toogasho ka saeyn karaan xaafadaha fog fog sida xerada ciidamada AMISOM ee xaafadda Ayuub oo aad uga duruqsan guriga qoriga la soo saaray oo ah MAGDA(Swisso Kalmo), waxaana maanta rasaas laga soo tuuray qorigaas ay qabsatay wiil ka tirsan ciidamada ammaanka degmada Marka oo lagu magacaabo Maxamed Yare, wuxuu ku sugnaa xiliga la tooganaayey hareeraha xerada ciidamada AMISOM ee xaafadda Ayuub.

Arintaan cusub ee ku soo korortay amni xumada markii hore ka jirtay magaalada Marka ayaa waxay sababi doontaa in dad badan oo ay ku jiraan ciidamo AMISOM ah iyo mas’uuliyiinta degmada qaarkood ay soo wajahdo khatar culus oo naftooda dhaafsiin doonto haddii aan la qaadin howlgal deg deg ah oo magaalada looga sifeynayo maleeshiyaadka Alshabaab ee qorigan la soo galay gudaha magaalada Marka.

Qoriga nooaan ah(Sniper rifle) ayaa waxay horey Shabaab u adeegsadeen oo ay ku laayeen dad badan oo ay ku jireen ciidamo AMISOM ka tirsan xiligii ay Shabaabka maamulayeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open