Ciidamada AMISOM Oo Caawa Shacab Ku Xasuuqay Duleedka Ceelwareegow Ee Gobolka Sh/hoose

Wararka aan caawa ka heleyno deegaan hoosyimaado degmada Marka ayaa sheegayo in ciidamada AMISOM si arxan darro ah u xasuuqeen hooyo iyo 3 caruur ah oo ay gurigooda ugu galeen. Deegaanka dhacdadan foosha xun ka dhacday oo lagu magacaabo Tuugaar-Ismiin ayaa ku yaalo duleedka Ceelwareegow ee waqooyiga degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Sida dad goobjoogeyaal noo xaqiijiyeen Kolonyo Ciidamada AMISOM ka tirsan oo marayaayey meel aan ka fogeynin Ceelwareegow ayaa qarax lagula eegtay halkaasi, waxayna AMISOM gurigooda ugu galeen hooyo iyo 3 caruur ah kadibna halkaasi ayey ku dileen.

Magacyada dadka caawa ciidamada AMISOM ay laayeen ayaa kala ah: hooyo Jamaala Maxamed Cusmaan Gurey (70 jir), Xuseen Abuukar Cali (15 jir), Maryan Ibraahim Macalim Baalow(3 jir) iyo wiil yar oo aanan weli magaciis helin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM ay geystaan xasuuq noocan ah, waxay sidan oo kale sanadkii hore agagaarka Ceelwareegow ku laayeen dad shacab ah iyo xoolihii ay daaqsanaayeen xili ay la kacday miino dhulka ay ku aaseen maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE