Dhageyso Maamulka Degmada Mahadaay Oo War Kasoo Saaray Wararka Sheegaya In Alshabaab Ay La Wreegtay Degmadaasi

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyey wararka sheegaya in xalay weerar lagu qaaday saldhig Ciidan oo degmada ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Waxa qirey Gudoomiyaha in uu dhacay weerar hase ahaatee waxa uu beeniyey in lagala wareegay Degmada oo ay alshabaab qabsadeen Saldhiga degmada iyo xarumaha Maamulka, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in dagaalkii xalay ay kaga Geeriyoodeen laba askari.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-shabaab ay qabsadeen degmada Mahadaay,wuxuuna sheegay in la iska caabiyey weerarka ay xalay kusoo qaadeen degmada Mahadaay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran