Gudiga Madaxa Banaan Ee Xalinta Khilaafaadka Oo Sheegay In Xaaladooda Amni Ay Halis Ku Jirto

Guddiga Xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka ayaa sheegay in xaaladooda ammaan ay halis ku jirto, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11 kursi oo ahaa kuwo doorashadooda muran iyo dacwado laga keenay.

C/risaaq Barre Jaamac oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegaya in isaga iyo xubnaha kale ee Guddiga ay soo gaareen fariimo loogu hanjabayo.

Mr Barre ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay la qaateen Wakiilada Beesha Caalamka ee uu ka mid yahay Micheal Keating ayaa waxaa uu ku sheegay in xaaladooda amni ay halis ku jirto, isla markaana lagu leeyahay lacagihii ay ku degenaayeen hotelka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ee sheegay in xaaladooda ammaan halis ku jirto ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi, si ay u amaan heleen halkaasoo si kumeel gaara ah ay ugu shaqeyn doonaan.

Qoraal dhawaan kasoo baxay Gudiga xalinta khilaafaadka oo ay ku laaleen 11 kursi oo ah xildhibaanadii dhawaan lasoo doortay ayaa Eedeymo xoog leh kala kulmay Gudiyada Doorashooyinka dadban ee Heer Fedaraal iyo kuwo maamul Goboleed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open