Wadahadalka Somaliland Iyo Khaatumo Oo Lagu Soo Daray Qaar Ka Mid Ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka

Wadahadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Addisababa ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo kordhiyey qaar ka mid ah musharxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka Jira Somaliland.

Dhinacyada wadahadalka u dhaxeeyo ayaa diyaariyey xubno u matalada labada dhinaca, waxaana dhinaca Somaliland lagu soo daray in wadahadalka u matalo Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Ucid Eng Feysal Cali Waraabe.

Maamulka Khaatumo ayaa ka horymid sida la sheegay Xubno ka socday dhinaca Somaliland kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Beesha dhulbahante, waxaana taas ay keentay in xbno hor leh wadahadalka laga soo qeyb geliyo.

Xubnaha la sheegay in Somaliland ay u matalaan Wadahadalka ayaa waxa ka mid ah Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada somaliland  Maxamed Kaahin , Faysal Cali Waraabe  C/Casiis Samaalle iyo xubno kale.

Dhinaca Maamulka Khaatumo ayaan la ogeyn cidda u matali doonta Wadahadalka, shirkii kan ka horeeyey ee labada dhinac dhe maray ayaa waxa ka qeyb galay labada xukuumadood oo ka kala dhisan Hargeysa iyo Buuhoodle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran