Xildhibanaada Laga Soo Doortay Puntland Iyo Jubbaland Oo Taageero Iyo Cod U Diiday Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday Ee Xasan Sheekh

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo is xulufeysi siyaasadeed ka wada Soomaaliya ayaa dadaal waxay ugu jiraan inay wajiyo cusub oo leh lagu arko doorashada Madaxweynaha dalka.

Labadan Maamul oo dhalasha ahaan bahwadaag ah ayaa door firfircoon ku lahaa heshiiskii Madasha ee lagu diidanaa in doorashada dalka lagu saleeyo habka loogu magac daray 4.5 ama habka qabiilka, waxaana taas ay keentay in dib u dhacyo badan ay ku yimaadaan heshiisyada Madasha.

Xildhibaanada laga soo doortay Kismaayo iyo Garowe ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbalnad lasoo galay heshiis ah in codka doorashada la siiyo musharax loo arko in isbedel uu ku keeni karo xaalada Soomaaliya.

Waxaana Madaxda la sheegayaa in loolanka ay ku taageeri doonaan Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo safaro kala duwan ku kala tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe, waxaana taageero xoog leh uu weydiistay xildhibaanada.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan sheekh oo loolan adag kala kulmaya Madaxda Maamul Goboleedyada qaar ayaa kalsooni wanaag waxa uu ka haaystaa Xildhibaanada Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle halka tiro xildhibaan uu ku leeyahay Maamulka K/galbeed.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open