Abwaan Xuseen Xirsi Cabdi (Boon Xirsi) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa (Akhriso Taariikhdiisa Kooban)

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Boon Xirsi oo ka mid ahaa abwaanadii waa weynaa ee fanka Soomaaliyeed, Abwaan Boon Xirsi ayaa ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa, isaga oo xanuun ku soo booday u jiifay gurigiisa.

Abwaanka ayaa waxa lagu xasuustaa Ruwaayado sameynta iyo jilliinka, waxaana uu ka qeyb qaatay ooyin badan oo lagu soo bandhigay Masraxyada magaalooyinka Soomaaliyeed.

Boon Xirsi Alle Naaristii wuxuu ku dhashay Magaalada Hargeysa Sanadii 1950 waxaana uu ku soo barbaaray isla  Hargeysa, Magaciisa loogu wanqalay wuxuu ahaa Xuseen Xirsi Cadi, balse waxaa ka awood batay magacisii caadiga ahaa Boon Xirsi Oo Badiba Dadka Soomaalidu u yaqaanay.

Boon Xirsi waxa uu ka shaqa bilaabay mid ka mida Hotelada Hargeysa halkaas oo uu ka soo shaqaynaayay in mudo ah, kadib markii uu is ogaaday in uu wax Alifi karo isla markaana uu samayan karo Waxa uu ku soo biiray Bahda Fanka Waxaana ay Taariikhdu markii ay aheyd 1974.

Riwaayadii u horaysay ee uu ka qayab qaatay Boon Xirsi waxa ay ahayd “Jacayl Waakane Kaalay” Oo uu lahaa Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxaana uu ku matalaayay Digtoor.

Hoos ka daawo mid ka mid ah Ruwaayadihii Uu jilay Abwaanka, waxaana ku mataaneysan Jilaaga caanka ah ee aan ka dhicin Cabdi Haybe Laambad.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran