Ciidamada Deegaan oo Saake Howlgal Ka Wada Deegaano Xeebta Ku Teedsan Ee Duleedka Magaalada Marka

Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ayaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaaq  Ciidan ay ka wadaan  Deegaano hoos taga magaalada Marka.

Deegaanada dhaqdhaqaaqa uu ka socdo ayaa waxa gacanta ku haaya kooxo isbaheysi oo ku heeshiiyey inay dhibaateeyaan Shacabka ku dhaqan deeganaada Beesha Biimaal.

Wararka aan ka heleyno deegaano ku teedsan xeebta magaalada oo dhanka koofureed soo jira ayaa Ciidamada deegaanka waxay ka bilaabeen in ay baaritaano kula dhaqaaqaan goobo lagu tuhunsanyahay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada isbaheysiga ah.

Ciidamada deegaanka oo fariisin ku leh deegaanka Ceelcadow ayaa sida la sheegay ka warhelay in dhinaca kasoo horjeeda ay qorsheenayaan inay kusoo qaadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Saraakiisha Ciidamada ee aagga Ceeljaale ayaa sheegay in howlgallada oo xalay bilowday ay u muuqdaan kuwo laga gaaray natiijooyin wax ku ool ah,waxaana saaraakiishu ay intaa ku dereen saacadaha soo aadaan ay warbaahinta siin doonaan warbixinno faahfaahsan.

Deegaanada hoos taga magaalada Marka gaar ahaan kuwo ku teedsan Xeebta ayaa waxa gacanta ku haaya Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta Habargidir oo isbaheysi ah, kuwaas oo heshiis ku galay inay iska kaashadaan dagaalada lagula jiro Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE