Ciyaaraha: Man City vs Arsenal – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Ka Dhici Doona Etihad Stadium

Laba kooxood oo miisaan ku leh Horyaalka Ingiriiska waqtigaan ayaa is wajahi doona fiidnimada caawa ah, waxaana kulanka uu ka dhici doonaa garoonka Etihad Stadium. Pep Guardiola ayaana soo dhaweyn doona Arsene Wenger iyadoo mid walba uu ku raad joogo inuu guul gaaro si uu ugu dhawaado hogaanka horyaalka oo ay si awood leh ku heysato Blues.

Arsenal todobaadkii lasoo dhaafay bartamahiisa waxey guuldaro qaraar kala kulantay Everton oo ay ugu martisay garoonka Goodison Park, halka Citizens ay guul fudud ka heleen Watford, balse Pep iyo ciidankiisa waxey guuldaro qaraar ka heleen dhawaan Leicester City oo kusoo xasuuqday King Power Stadium.

Gunners haatan waa booska sadexaad inkastoo ay dhibco wadaag la tahay kooxda kaalinta labaad ee Liverpool oo habeenka Isniinta la ciyaareysa Everton, halka Manchester City ay dhibic qura ka hooseyso iyadoo fadhisa booska 4-aad.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garonka: Etihad Stadium

Saacadda: 7:00 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Martin Atkinson (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Manchester City ayaa weyneysa kubad sameeyaheeda reer Jarmal Ilky Gundogan kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray ciyaartii Watford, Fernandinho ayaa sidoo kale seegaya ciyaartaan waana kulankiisii ugu dambeeyay ee ganaaxa, halka Sergio Aguero uu isna kulan kale usii haray marka uu seego ciyaarta caawa.

Kabtan Kompany ayaa wali ka maqan kooxda City, sidoo kalana Delph ayaan wali garoomada kusoo laaban kaas oo wali dhibaato dhanka gumaarka ah qaba.

Dhanka kale Gunners waxey weyneysaa Aaron Ramsey oo dhaawac muruqa ah wali la xanuunsanaya si la mid ah Mustafi ayaa seegi doona, halka wali aan war loo heynin Cazorla, Mertesacker iyo Welbeck.

XAQIIQADA KULANKA:

Arsenal ayaa ku raaxeysaneysay guulo sanadahii ugu dambeeyay ee kulankaan kadib markii ay gaareen sadex guulood, wax guuldaro ahna lama kulmin lixdii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan.

 

Markii ugu dambeysay oo ay City guul ka gaarto Arsenal waxey aheyd kulan xusuus leh waxaana xiligaas Gunners lagu dhuftay 6-3 ciyaar ka dhacday Etihad Stadium December 2013.

Sidoo kalana Lixdii kulan ee ugu dambeysay ee ay is arkeen kulamada horyaalka waxey iska dhaliyeen 24-gool taasoo ka dhigan in 4-gool la iska dhalinayay kulan walba marka la qiimeeyo.

Waqtigaan oo kale ayey kulmeen sanadkii h–e, markaasna waxaa 2-1 guul ah ku gaaray Emirates kooxda martida loo ahaa, halka kulankii xigay ee isla xili ciyaareedkii h–e uu ku dhamaaday 2-2, waxaana isku jawaabay Aguero, De Bruyne, Giroud iyo Sanchez.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open