Dhageyso Xafiiskii Gudiga Xalinta Khilaafka Ee Magaalada Muqdisho Oo Albaabada Loo Laabay

Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in xafiiskii Guddiga xalinta khilaafaadka ku lahaayeen magaalada Muqdisho albaabada loo laabay, iyadoo madaxda iyo howl wadeenada Guddiga ay maanta ka ambabixi doonaan Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ee sheegay in xaaladooda ammaan halis ku jirto ay ku wajahan yihiin magaalada Nairobi, halkaasoo si KMG ugu shaqeyn doonaan.

Guddiyada Federaalka ee doorashooyinka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa howlahooda ay tahay mid gabo gabo ah, waxaana marka uu si rasmi ah u fariisto Baarlamaanka, lana dhaariyo Xildhibaanada howsha doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha la wareegi doona

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE