Dhageyso Xasan Maxamed Xuseen Muungaab “Xildhibaanada Soomaaliya Waa Inay Dib U Milicsadaan Dhibaatadii Lasoo Maray Afartii Sano Ee Lasoo Dhaafay”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa shegay in honka dalka Soomaaliya uu u baahan yahay Isbedel.

Muungaab ayaa ku eedeeyey madaxda Soomaaliya ee xiligan iney ku dhaqmayaan kooxaysi isla markaane ay dalka galiyeen firaaq Dastuuri ah,wuxuuna tilmaamay iney ahayd in dalka Doorasho ka dhacdo Sebtember 10-keedii.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab ayaa tibaaxay iney dalka gacanta ku hayaan hogaan aan sharci ku fadhin iyo koox gaara,wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya iney dib u milicsadaan dhibaatadii lasoo maray isla markaane ay isbedel  u keenaan umadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran