Gabdho Soomaaliyeed Oo Walaala Ah Oo Lagu Dili Dalka Canada (Video)

Meydka labo gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga helay guri ku yaal magaalada Ottawa ee dalka Canada, iyadoo labadan gabdhood ay ahaayeen walaalo, Waxaana Dilkooda lagu Fuliyey TOOREY.

Booliska magaalada Ottawa ayaa sheegay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka, kuwaasoo baaritaano ku socdaan.

Gabdhaha la dilay  ayaa lagu kala magacaabaa Nasiiba Cabdiraxmaan  iyo Asma Cabdiraxmaan , waxaana Arintan Argagax ka qaaday Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, Iyadoona Sanadihii la soo dhaafay dalka Canada lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE