Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Qirey In Ciidamada Amisom Dhibaatooyin Kala Duwan Ay Ka Geysteen Duleedka Magaalada Marka (Video)

Gudoomiyaha dibada jooga ah ee Magaalada Marka Xasan Cumarey Macallin ayaa wareysi uu qadka Taleefanka ku siiyey Tv-ga Somalinews kaga waramay xasuuqa Ciidamada Amisom ay saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen meel ku dhow deegaanka Ceelwareegow.

Xasan Cumarey ayaa marka hore ka tacsiyadeeyey dadkii Ciidamada Amisom sida arxan darada ah ay u dileen, waxaana uu qirey in Amisom ay aheyn markii ugu horeysay oo ay dhibaateeyaan dad shacab ah, isagoo hadalkiisa intaa kusii daray in dhowr jeer oo hore ay dacwado ka gudbiyeen Amisom oo aanay jirin cid kasoo jawaabtay.

Gudoomiye Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in Gudoomiyeyaasha Degmooyinka intooda badan ay dibad joog ka yihiin xarumaha Maamulka isagoo cadeeyey kuwa jooga deegaanada ay maamulaanna Magan galyo ku ah xarumaha Amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran