Maamulka Jubbaland Oo Hub U Qeybiyey Beesha Cowrmale Oo Dagaal Adag Kula Jirto Maleeshiyada Alshabaab (Sawiro)

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa bilaabay qaab cusub oo lagula dagaalamayo maleeshiyada Alshabaab iyagoo hub u qeybiyey beelo reer miyi ah oo Alshabaab xoolahoodii ay ka dhaceen.

Jubbaland oo ka faa’ideysaneyso xiriirka sii xumaaday ee u dhexeeyo reer miyiga xoolo dhaqatada ah iyo Alshabaab ayaa Ciidamo wuxuu hub ugu qeybiyay deegaanka Beerxaani ee galbeedka magaalada Kismaayo ciidamo ka tirsan beesha Cowrmale. Ragga ciidanka qortay ee hubka loogu qaybiyey Beerxaani waxaa u badan rag geel-jireyaal ah oo geeloodii Alshabaab dhaceen.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhac baahsan u geystay beesha Cowrmale iyadoo Alshabaab ay beeshan ka dhaceen geel tiradiisa gaareyso 2 kun neef. Gurmad uu maamulka Jubbaland u fidiyey dadka xoolahooda Alshabaab dhaceen ayaa waxaa suurta gashey in Alshabaab laga soo dhiciyo qayb ka mid ah geelii ay ka dhaceen beesha Cowrmale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open