Xildhibaano La Laalay Doorashadooda Oo La Gudoonsiiyey Kaararka Aqoonkasig (Sawiro)

Gudiga Madaxa banaan ee xalinta Khilaafaadka oo maalmo ka hor soo saaray wareegto lagu laalay 11, kursi oo xildhibaanada ku fadhiya lagu soo doortay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka.

Xubnaha doorashadooda la laalay waxa ka mid ah Wasiiru dowlaha Maaliyada C/hi Maxamed Nuur iyo xildhibaano kale, waxaana intooda badan la gudoonsiiyey kaararka aqaoonsiga ee cadeenaya ianay ka mid yihiin Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka fedaraalka.

Gudiga doorashooyinkii oo markii lasoo doortay Wasiiru dowlaha Maaliyada soo saaray wareegto ay ka cadeenayaan in kursiga Wasiirka uu ahaa mid loo qoondeeyey Haween ayaa waxa lagu soo waramayaa in hoose loo xaliyey, waxaan Gudiga doorashada ee heer fedaraal uu siiyey kaararka aqoonsiga.

Waxa weli muran uu ka taaganyahay xildhibaanada la laalay doorashadooda, waxaana arinta ay u muuqataa mid isjiid jiid uu ka dhex jiro gudiyada Doorashooyinka iyo kan xalinta khilaafaadka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE