Akhri Magacyda Iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Xildhibanaada Gobolada Waqooyi Ee Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Magaalada Muqdisho waxa maanta dib kaga bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka FedaraalkaBeelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Doorashada ayaa waxa lagu qabtay xarunta Gaadiidka Boliiska ee Degmada C/casiis halkaas oo horey loogu qabtay doorashooyinkii xubnaha Beelaha Banaadiriga iyo mudanyaashii horey Muqdisho loogu doortay.

Xildhibaanada Maanta la doortay ayaawaxa ku jira mudanayaal hore uga mid ahaa Baarlamaankii soo jirey afartii sano ee lasoo dhaafay iyo kuwo hada ku Cusub siyaasada.

Halkan hoose ka aqriso Xildhibaanada Maanta lagu doortay Xarunta Gaadiidka Booliiska ee Gobolka Banaadir

1-Cusmaan Cilmi Boqore (Ciise Dalol-Haroone)
2-C/raxmaan Axmed Suge (Ciise Dalol -Walaaldoon)
3-Ismaaciil C/Raxmann Sheekh (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)
4-Faadumo Ismaaciil Xuseen (Habar Yoonis-Sacad)
5-Suuri Diiriye Carab (Habar Jeclo-Maxamed Obokor)
6-Khadro Maxamed Dukaale (Ciise Dalol-Furlabe)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE