Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Oo Sheegay In Gudi Loo Saaray Xasuuqa Ciidamada AMISOM Ay Ka Geysteen Deegaanka Ceelwareegow

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay iney kulan deg deg ah la yeesheen Saraakiisha Ciidanka AMISOM oo habeen hore shacab ku xasuuqay deegaano ka tirsan Gobolka.

Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa warbaahinta u sheegay iney shalay kulan la qaateen Ciidanka AMISOM wuxuuna tilmaamay in Gudi loo saaray dhacdada Ciidanka AMISOM ay ku dileen hooyo iyo Caruurteeda.

Gudoomiye Najax ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatada gaartay dadka shacabka ah,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney si wadajir ah iyaga iyo AMISOM ula kulmi doonaan Qoyskii dhibaatadu gaartay.

Habeen hore ayaa Gaadiidka Ciidamada AMISOM waxay ku dileen deegaanka Ceel-Wareegoow  Hooyo & 4 Carruur ah oo ay dhashay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran