Dhageyso Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka K/galbeed Oo Sheegay In La Qaadi Doono Howlgalol Lagu Xoreyn Doono Sahacabka Ay Xoog Ku Haaystaan Alshabaab

Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka ahna Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi  ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’aan sadeen in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Maleesiyada Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in shabaab ay dhibaato badan ay ku hayaan dadka shacabka ee kunool degaanada ay gacanta ku hayaan, Waxaana uu sheegay in cCiidamada kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed ay qaadi doonaan howgal ka dhan ah Shabaabka dhibaatada wada.

Waasiir sii hadlayey ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidanka dowladda  iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay saacad kasta sameeyaan howgallo lagula bacsanayo Al-Shabaab,

Shacabka kunool Gobolada Maamulka K/galbeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan Ciidamada la dagaalamaya kooxaha nabad diidka ee kasoo horjeeda dowladnimada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open