Akhriso Xubnaha Gobolada Waqooyi Ee Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Muqdisho

Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha kasoo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalmahan hakad ku jirtay ayaa Maanta dib uga bilaabanaysa magaalada Muqdisho.

Gudiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Maanta Muqdisho lagu qaban doono Doorashada 6 Kursi oo ka mid ah Kuraasta xildhibaanada Aqalka Hoose kasoo galaya Soomaaliland.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana lagu arkayaa Ciidamo fara badan nawaaxiga goobta ay ka dhacayso Doorashada Aqalka Hoose ee beelaha kasoo jeeda Goblaa Waqooyi.

Doorshada xildhibaanada aqalka hoose ee Gobolada Waqooyi  oo dhowr mar oo hore la hakiyey ayaan la ogeyn sababaha arimhaasi keenay, waxaana hore u jirey is qab qabisyo iyo kala aragti duwanaan u dhaxeysay Beelaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE