Kaabo-Mooraaynno Kasoo Hayaamay Gobolada Dhexe Oo Markii Ay Ku Fashilmeen Qorshahooda Gobolka Sh.Hoose Bilaabay Sidii Ay Ku Afgembin Lahaayeen Maamulka Ibraahim Najax (Warbixin)

Ka dib xiisad ka dhalatay Ciidan Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose uu geeyey Isbaarada Baar-ismaciil ee degmada Afgooye si looga hortago dhaca iyo hantida Shacabka ayaa arintaasi waxay keentay in Qatar ay soo wajahdo Xilka Ibraahim Najax.

Ciidamada Ibraahim Najax uu dhigay Baar-ismaciil ayaa waxa soo fara geliyey Ninka isku sheega Wasiirka Arimaha Gudaha K/galbeed C/raxmaan Sate oo wadashaqeyn dhow la leh kooxaha Buracadda ee kasoo hayaamay Gobolada dhexe.

Sate ayaa laba qodob ku xaliyey xiisaddii ka taagneyd Baar-ismaciil, waxaana ay kala ahaayeen 1- in Ciidamada ka amar qaata Ibraahin Najax l durjiyo (sikiyo) dhinaca Hotelka u kireysan Maamulka Shariif iyo 2- in howlahooda loo madax baneeyo Gudiga uu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo shakhsiyadiisa lagu eedeeyo inuu la qaraabto Kaaba Mooryaanada isku baheystay dhaca iyo Boobka Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale waxa qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose iyo xarumaha Muqdisho gaar ahaan goobaha ay ku shiraan horjgayaasha dhiig miiratada ah ee Afgooye jooga ayaa laga bilaabay olole ka dhan ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahin Cali Aadan Najax.

Ibraahim Najax ayaa mar uu booqasho ku tagay degmooyin ka tirsan Shabeelada hoose ayaa Cali Takfiir iyo kooxdiisa waxay ku eedeeyeen in uu wado dadaallo leysugu xirayo Shacabka ku kacsan Maleeshiyaadka isbaheysiga la ah Alshabaab ee duulaanka ku yimid Shabeelada hoose.
Iyadoo eedahaasi ay jiraan ayaa Gudoomiye Najax si awood ay ku jirto uga horymid isballaarinta ay wadaan kaaba Mooryaanada iyo kuwa xoogga ku haaysta Beeraha Gobolka Shabeelada hoose.

Horjoogayaasha ay ka mid yihiin Nuur Xayir Cali, Xasan Dhicisow, Garmaqaate, Cali Takfiir iyo tuugo xoog ku haaysta Beero ay ka mid yihiin kuwa Guulwadayaasha ayaa bilaabay inay raadiyaan sifooyin ay xilka uga tuuraan Ibraahim Najax.

Xubnhaan oo isugu jira Abgaal iyo Habargidir ayaa markaan waxa u muuqda inay fashilmeen dhamaan isku dayadooda oo kii ugu dambeeyey ahaa heshiis ay la galeen Maleeshiyada Alshabaab si ay ugu midoobaan sii haaysashada Gobolka Shabeelada hoose oo ay ka macaashaan dhaqaalaha xoogga looga qaado dadka Shacabka ah.

Warbixin si hoose ay u heleyso Markacadey.com ayaa sheegeysa in dhaqaale badan lagu bixinayo sidii Ibraahin Najax mesha looga saari lahaa, waxaana Gudoomiye Najax loo arkaa shkhsi markaan ku baraarugsan dhibaatada sii daba dheeraatay ee Tuugada soo hayaantaya ay ka wadaan Shabeelada hoose.

Xogaha kale ee ay heshay Markacadey.com ayaa sheegeysa in Ibraahin Najax iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa lagu eedeeeyey inay hubeenayaan Ciidamada ka amar qaata C/haai Waafow iyo Gudoomiyaha Sharciga ah ee Afgooye laga Ceyriyey C/qani Booli-moog.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE