Madaxweynaha Jubbland Oo Kismaayo Kusoo Dhaweeyey Safiirka Ingiriiska Ee Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta Magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Harriet Mathews.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Harriet Mathews ee  uu dhammaaday waqtigeeda Safiirnimo ee Soomaaliya  ayaa waxaa looga wada hadlay Doorashooyinka  iyo Amniga guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada  Jubbaland.

Harriet Mathew ayaa ku ammaantay Jubbaland doorka ay ka qaadatay hannaanka Doorashada dalka Soomaaliya,waxayna ballan qaaday in dowladda Ingiriiska ay gacan ka geysanayso hawlgalka Wabiga Jubba ee ka dhanka ah Al-shabaab oo qorshihiisu uu socdo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyey kaalinta muga leh ee dowladda Ingiriisku ay ka ciyaarayso horumarka dhanka SIyaasadda iyo amniga dalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open