Madaxweyne Sharif Sakiin Oo Loo Sheegay In Uu Noqon Karin Madaxweynaha Soomaaliya, Xilli Uu Dayacay….(Xog)

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Maamulka K/galbeed loogu baaqay in uu ka tanaasulo Musharaxnimada Madaweynaha Soomaaliya.

Xog aan ka helnay ilo wareedyo kala duwan ayaa nalagu xaqiijiyey in Shariif loo sheegay in wax fursad aanay uga banaaneyn tartanka doorashada ee dhawaan la qaban doono, waxaana arimahaas loogu sababeeyey fashilka siyaasadiisa iyo fadhiidnimada Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay.

Ninka dowlada Itoobiya uga mas’uulka ah Soomaaliya Gabra ayaa kulan saacado qaatay wuxuu Madaxtooyda kula yeeshay Shariif Xasan, isagoo usheegay in Beesha Caalamka ay ka go’aantahay in doorashada ay ku taageeraan shakhsi kale oo aan aheyn isaga.

Shariif Xasan ayaa la hordhigay dhowr arimood oo loo sheegay inay sabab u yihiin fursad la’aanta ka haaysata tartanka doorashada, waxaana ka mid ahaa fashilka Maamulkiisa, iyo karti la’aanta siyaasadiisa dhigtay in uu la imaan waayo door firfircoon oo uu ku hanan karay taageerada Shacabka iyo sidii maamulkiisa uu ula mid dhigi lahaa Maamulada kale ee dalka ka jira qaarkood kuwaas oo hormarin ku sameeyey deeganada ay maamulaan.

Ganaraal Gabre ayaa sidoo kale Madaxweyne Shariif ku amray in uu joojiyo ololaha uu ugu jiro in xilka Madaxweynaha kula tartamo siyaasiyiinta loo arko inay hanan karaan masiirka Umada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Shariif oo qudhiisa aaminsan taageero la’aanta dowlada Itoobiya ayaa ku gaabsaday in uu ka fiirsan doono Musharaxnimadiisa, waxaana uu codsaday in fursad kale dib loo siiyo si uu usoo gudbiyo qorshihiisa dambe.

Madaxweyne Shariif Xasan oo Maamulkiisa fadhiid ku yahay Magaalada Baydhaba, islamarkaana Maamulkiisa uu u shaqeeyo sidii hogaamiye kooxeedyadii soo maray dalka ayaa isu arka shakhsi hogaamin kara Soomaalida guud ahaan isagoo awoodiisa iyo siyaasadiisa ay dhaafi weysay magaalada Baydhaba.

Dadka wax indha-indheeya ayaa mar hore soo jeediyey in mushraxnimada Madaxweyne Shariif ee xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya in ay dhab ka heyn, waxaana taas lagu micneeyey in aanu iska casilin xilka K/galbeed uu ka haayo, waxaana tani ay ka dhigantahay in hadii uu kusoo guul dareysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya in uu dib ugu laaban doono kursiga sida hogaamiye kooxeedka uu ugu fadhiyo.

Maamulka K/galbeed oo muddo laba sana ah jirsaday ayaa ilaa hadda aan laheyn Madaxweyne ku xigeen iyo awood baarlamaan oo shaqeysa, waxaana sidoo kale jirin Gole wasiiro oo u madax banana shaqooyinka.

Xog horey loosoo daabacay ayaa ku warantay in Maamulka K/galbeed Bishii Bajad ahaan u qaata $300, oo loogu talagalay in Maamulada dalka ay ku shaqeeyaan, mana jiro adeeg maamulka uu ka qabto deeganada hoos yimaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE