Safiirka Ruushka Ee Turkiga Oo U Geeriyooday Dhaawac Loogu Geystay Magaalada…

Wakaalada Wararka ee dalka Ruushka ayaa sii baahisay in maanta la dhaawacay Safiirka Ruushka u fadhiyey dalka Talka Turkiga.

Safiirka oo lagu magacaabo Andrei Karlov ayaa dhaawac culus loo geystay xilli uu booqanayey goob faraxanka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Ankara, waxaana dhaawaca ka dib loola caray Isbitaalka.

Warar goor dambe soo baxay oo ay siideysay wakaalada Ruushka ayaa lagu xaqiijiyey in safiir Andrei Karlov uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in weerarka lagu qaaday Safiirka in ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale kuwaas oo ku sugnaa Goobta farshaxanka ee safiirka Ruushka uu booqanayey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE