Sawiro Laga Soo Qaaday Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Amiso Dadkii Shacabka Ahaa Ee Ay Dileen Deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa habeen hore laba dhacdo oo naxdin leh waxay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaan dhacdooyinkaas ay ku dileen ila 11 qof oo ahaa dad shacab ah.

Gaari Caasi ah oo Khudaar ka qaaday Degmada Qoryooley kuna sii jeedey Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamada Amisom waxay ku dhufteen qoriga Baasuukaha ama Sawanka, waxaana gabi ahaaba Geeriyooday dadkii Gaariga Saarnaa.

Isla habeenkaas Ciidamada Amisom waxay gaari jiirsiyeen Hooyo iyo afar Caruur ah oo dhashay kuwaas ku dhaqnaa deegaanka Ceelwareegow ee duleedka magaalada Marka, iyadoo Amisom xilligaasi qarax loo dhigay meel ku dhow halka ay dhibaatada ka geysteen.

Weli Ciidamada Amisom wax war kama soo saarin dhibaatada iyo gabood fallada ay ka fuliyeen deegaanada Gobolka Shabeelada hoose, waxaana dhacdooyinka ay aad uga qeylisiiyeen dadka Shacabka ah ee dhiigooda la quuto.

Halkan hoose ka daawo sawirada Gaariga Caasiga ah ee Baasuukaha ay ku dhufteen Ciidamada Amisom

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran