Wadahadalka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Khaatumo Oo Maalintii Seddaxaad Galay

Magaalada Addisababa ee caasimada dalka Itoobiya waxa maalintii seddaxaad ka socda wadahadal u dhaxeeya Smaliland iyo Khaatumo.

Wadahoadalka labada dhinac oo ay u matalayaan xubn siyaasiyiin ah ayaa galay marxaladka duwan tii, waxaana dhainacyada ay isku hayaan qodobo xasaasi oo midba midka kale uu u arko Masiirka Umaddiisa.

Xubnaha qaarkood ee shirka ka qeyb galaya ayaa sheegaya in qodobada ugu culus maanta oo isniin ah ay miiska saaranyihiin, waxaana xubnahaas ay sheegeen horey ay u gudbiyeen qodobo ay kucadeenayaan woaxa ay rabaan shacabka iyo Maamulka Khaatumo.

Mas’uuliyiinta mataleysa Somaliland ayaa dhinaca kale codsaday in ilaa maalinta talaadada la siiy si ay uga soo jawaabaan qoraalka loo gudbiyey, waxaa sidoo kale maanta la guda gali doonaa arimaha la xiriira sii socoshada wadahadalada lagu dhameenayo dagaalo horey u dhexmaray labada dhinac oo deegaanadooda ay degaan Beelo bahwadaag ah.

Shirka ayaa waxa lagu wadaa in ay ku biiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya si ay goob joog uga noqdaan qodobada ay ku heshiin doonaan Somaliland iyo Khaatumo, sidoo kale wakiilada Beesha Caalamka ee xarumaha ku leh Addisababa ayaa dhinacooda ka qeyb gali doona shirka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open