Xiisad Caawa Ka Taagan Duleedka Nambar 50 Iyo Maleeshiyada Alshabaab Oo Dhacay Xoolo Ay Iska Leeyihiin Dad Shacab ah

Wararka ka imaanaya degmada Nambar 50 Ex Raaxoole ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in deegaano duleedka ka xiga caawa ay ka taagantahay xiisad dagaal.

Xiisadan ayaa sida wararka ay sheegayaan ka dembeysay ka dib markii maleeshiyada burcada ah ee Alshabaab ay dhaceen xoolo ay lahaayeen dad Shacab ah oo degen deeganada hoos taga Degmada Raaxoole.

Xoolo u badan Lo’ iyo Ari ayaa la sheegay in Shabaab ay ka qunsadeen/ ay ka wateen deegaanada Buula Xaanshi iyo Buulo cadey halkaas oo ay ku noolaayeen xoola dhaqato horey ay uga soo barakiciyeen Deeganada deexda, waxaana xoolaha la sheegay in ay gaarayaan ku dhawaad 50 neef oo lo’ah halka aan weli helin tirada Ariga ee la watay.

Ciidamada deegaanka oo baacsi ku sameeyey burcada xoolaha dhacday ayaa ku raad joogay ilaa degmada Awdheegle, waxaana halkaas labada dhinac ku qabsaday dhagaal culus oo waqti kooban qaatay.

Dadka caawa ku dhaqan deeganada xoolaha laga qunsaday ayaa noo xaqiijiyey in ay jiraan xiisado dagaal iyadoo laga cabsi qabo in ay weerar ay soo qaadaan maleeshiyada Shabaab ee ay ku adeegtaan Mooryaanta Habargidir ee xoogga ku haaysta Beeraha Gobolka Shabeelada hoose.

Dhinaca kale Ciidamada deegaanka oo ku sugan meelo aan ka fogeyn halka ay cabsida ka jirto ayaa sugaya weerarada kaga imaanaya cadowgooda.

Waxa la aaminsanyahay in xoolahan ay dhaceen kooxaha isbaheysiga ah ee duullaanka gardarada ah kusoo qaaday deegaanada Beesha Biimaal, waxaana isbaheysigaas ay wajahayaan dagaalo culus oo Ciidamada Beesha Biimala ay kaga hortagayaan duullaanada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran