Ciidamada AMISOM Oo Beeniyey In Qoys Shacab Ah Ay Ku Xasuuqeen Deegaanka Ceelwareegow Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisom ayaa beeniyey dhacdadi habeenkii Sabti ee Axadda soo galeysay ay ku xasuuqeen Qoys xoola dhaqata ah oo ku dhaqnaa Deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Meel ku dhow deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa Ciidamada AMISOM waxay Baabuur ku jiirsiyeen Qoys ku dhaqnaa meel Bari kaga beegan Laamiga oo xiga dhinaca deexda, waxaan halkaas ay ku dileen ilaa shan ruux oo ay ugu weyntahay Haweeney dhashay laba ka mid ah afar qof oo goobtaa lagula dilay.

War qoraal ah oo Ciidamada AMISOM ay soo saareen ayey kaga hadleen laba dhacdo oo ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, waxaana labadaas dhacdo ay ku dileen ilaa 11 qof oo dhamaan ahaa dad shacab ah.

Qoraalka ayaa waxay ku qirteen in ay ka dambeeyeen Gaariga Caasiga ee marayey duleedka degmada Qoryoole in ay ku dhufteen rasaasta wax burburisa, waxaana arintaas ay ku sababeeyeen heshiis u dhaxeeyey Maamulka iyo AMISOM oo la xiriiray in habeenkii la yareeyo isu socodka si ay u yaraadaan weerarada lagu qaado xarumahooda.

Sidoo kale waxay beeniyeen in ay dileen qoyska Maama Jamaala ee Gaariga Gaashaaman ay ku jiirsiyeen agagaarka Ceel-wareegow, waxaana ay tilmaameen in uu jirey qarax lala eegtay kolonyo AMISOM oo wadada mareysay islamarkaana ay sheegi karin wax khasaare ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Ciidamada AMISOM ee howlgalada u jooga Soomaaliya ayaa geysta gaboodfallo ka baxsan bina’aadanimada waxaana inta badan ay dafiraan dhibaatooyinka ay kula kacaan shacabka mana jirto Dowlada Ama Maamul AMISOM kula xisaabtanta.

Halkan hoos ka aqriso qoyska ay Xasuuqeen Ciidamada AMISOM iyo da’da qof walba oo ka mid ahaa dadkii Gaariga la jiirsiiyeyo

1-Jamaala Maxamed Cusmaan 70 sano jir

2-Xuseen Abuukar Cali 15 sano jir

3-C/raxmaan Ibraahim Maclin 8 sano jir

4-Maryan Ibraahim Maclin 3 sano jir

5- Maxmaed Ibraahim Abuukar 1 sano jir

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE