Deg Deg Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso Oo La Toogtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gocolka Bari ayaa sheegaya in lagu qaarijiyey Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee gobalka Bari Aadan Gaas Huruuse.

Dabley hubeysan ayaa bartamaha Magaalada ku toogtay Agaasimaha, waxaan wararka ay intaas ku darayaan in ay baxsadeen kooxihii dilka fuliyey.

Laamaha Amniga ayaa baaritaan deg deg ah ka wada goobtii uu dilkan ka dhacay, waxaana baaris lagu hayaa dhamaan cid kasta oo looga shakisan yahay inay ku lug leedahay dilka Agaasimaha Madaxtooyada.

Amaan darada ayaa kusii kordheysa deegaanada Mamaul Goboleedka Puntland, waxaana maalmo ka hor la toogtay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska Puntland Col, Jaamac Saxardiid oo ay dileen maleeshiyaad hubeysan iyadoo ilaa hadda aan la aqoonsan cidda Taliyaha dishay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran