Dhageyso Waxqabad La’aanta Madaxweyanaha Maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan

Wasiiro katirsan Xukuumada dhacaysa ee Soomaaliya iyo baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uusan waxba ka qaban arrimaha ka jira Gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xubnahan oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabada uu Shariif iskugu sharaxay Madaxweyne-nimada Soomaaliya ay tahay mid uu ka leeyahay dano siyaasadeed.

inaca kale DhXubnahan ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka Gobaladaas in ay aayahooda ka tashadaan oo ay ka arinsadaan waxyaabaha u wanaagsan.

Khaalid Cumar Cali oo horey Mudane baarlamaan muddo dheer u soo ahaa ayaa sheegay in ay tahay waxa socda wax aan la aqbali karin loona baahan yahay in ay Shacabka iska horlexiyaan Madaxweynaha K/galbeed oo aan waxba ka fulininin balan qaadyadii uu sameeyey xilligii uu waday ololaha doorasho ee Madaxweynaha K/galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran